Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray kulan looga hadlayay horumarinta Wakaaladda Filimada

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kulankan Aqoon Isweydaarsiga ah ee looga hadlayay horumarinta Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed iyo faafreebka Filimada oo soconayay mudo laba maalin ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Xuluumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Intii uu kulanka socday waxaa si weyn looga dooday muhiimadda wakaaladda filimada Soomaaliyeed ay leedahay iyo doorka ay ka qaadan jirtay horumarinta  filimada iyo faafreebka, iyadoo xiritaanka Kulanka ay ka qeyb galeen  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Wakaaladda Filimada. Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed somalipm.com, Abwaano  mas ‘uuliyiin ka socotay Xarumaha  Keybalada ka shaqeeya filimada  aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay ayaa ka hadlay figradahooda ku aadan sida loo hormarin karo Wakaaladda Filimada.

Agaasimaha Wakaalada  Filimada Soomaaliyeed Saalax Shire Shabeel ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka uu ka soo baxay qodobo muhiim ah oo  ku aadan sida lagu horumarin karo Wakaaladda filimada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dhaqan gelin doonto qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay kulanka labada cisho socday.

Ku dhawaad 30 sano kaddib Wasaaradda Warfaafinta ayaa qaadeyso tilaabo dib boorka ay ugu jafeyso Wakaalada filimada, iyadoo Wasa#araddu diyaarineyso sharciga copy right-ka Soomaaliya

Did you like this? Share it:

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa siyaasadda iyo nabadda qaramada midoobay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here