Galmudug oo cambaareysay Qarax ka dhacay Gaalkacyo

SHARE

Facebook

Twitter

Dowlada Goboleedka Galmudug waxa ay Cambaareyneysa cid kasta oo ka danbeysay falkaan foosha xun laguna dilay Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka, gaar ahaan Ururka Guul-wade ee dagan gobolka Mudug, waxaan codsaneynaa in Cadaaladda la hor keeno Cid kasta oo falkaan raad ku yeelata laguna sameeyo baaritaan dhab ah.

Dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka tacsi yadeyneysaa geeridii maanta ku timid allaha u naxa riistee Saraakiishii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka Guul wade Gobolka Mudug oo kooxo dhagar qabayaal ah maanta ku dileen qarax miino oo ka dhacay meel lagu qaxweeyo oo ku taala waqooyiga magaalada Gaalkacyo gobolka Mudug.

Saraakiisha dhimatay waxaa ka mid ah allaha u naxariistee Taliyihii Ururka Guul wade Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed G/Sare Xoreeye, laba ka tirsan saaraakiil ciidan iyo labo ka mid ah Askarta Dowlada.

Waxaan geeridaan xanuunka badan iyo murugadeeda la qeybsaneynaa dhamaan Eheladii iyo Ciidmada xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana allaah uga baryeynaa in uu Naxariistiisa ka waraabiyo .

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa”iisul Wasaare Kheyre oo kulan looga hadlayo Fatahaadda Wabiga Shabelle la qaatay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirada


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here