Indonesia oo caalamka ka codsatay gargaar deg deg ah

SHARE

Facebook

Twitter

Jakarta(somalipm.com):- Xukuumadda Indonesia ayaa wadamada horumaray ee caalamaka ka codsatay in lala soo gaaro kaalmo deg deg ah oo lagu samata bixinayo noloshada dadkii ay dhul gariirka iyo Sunaamiga ku dhufteen ee dalkaasi, ayna ku dhinteen in ka badan 832 qof.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumada dalkaasi ayaa shjeegay in Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo uu amar ku bixiyay in dadka waxyeelada ka soo gaartay musiibadaasi rabaaniga ah lala gaaro gurmad deg deg ah wallow ay jirto dhibaato xagga isgaarsiinta oo goobihii sunaamigu ku dhuftay in la geli Karin.

Waxaana la soo sheegayaa in tobanaan ka tirsan hay’adaha gargaarka aan dowliga aheyn ay codsiga Madaxweynaha ka jawaabeen.

Mowjadaha ama hirarka biyaha Badda ee Sunaamigga ayaa la sheegay inuu ka sare maray lix mitir ee magaalooyinka  Xarunta ganacsiga Ballo iyo Dongala oo ku yaala jaziirada Sola wiso, kadib markii uu ku dhuftay dhul gariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7.5   oo lagu qiyaaso cabirada dhul gariirada.

Warku wuxuu intaa ku daray in weli ay jiraan dad nool oo ku hoos jira burburka Hoteelada, iyadoo boqolaal kale ay ku aasmeen dhul go’ay hoostiisa.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDowladda Soomaaliya oo sheegtay iney ka go’an tahay horumarinta goobaha dalxiiska dalka


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here