Miinooyin laga soo saaray waddooyin kuyaala Jubada Hoose

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa qaybo ka mid ah gobolka Jubada hoose ka sameeyey hawlgal miino saaris ah oo waxyaabaha qarxa looga nadiifinayo waddooyinka ay maleeshiyada Al-shabaab ku aaseen.

Deegaanka Qooqaani ee Gobalka Jubada Hoose ayaa ka mid ah meelaha laga saaray Miinooyinka, kuwaas oo kooxda xagjirka ah ay doonaysay inay shacabka iyo ciidamada ku waxyeelayso.

Horraantii todobaadkan ayaa hawlgal ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubada hoose lagu dilay in ka badan 70-ka tirsan kooxda Al-shabaab, ka dib dagaal dhulka iyo duqayn cirka ah oo lagu qaaday.

Alshabaab ayaa soo food saartay cabsi iyo walal kadib markii ay sii xogeysteen howlgalada ka socda qeybo kamid ah gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,gaar ahaan meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deeganadaasi.

Did you like this? Share it:

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDiyaarad nuuca duuliye la’aanta ah oo saameyn ku yeelatay howlihii duulimeed ee garoon kuyaal Mareykanka January 23, 2019
Next articleku dhawaad 200 oo Tahriibayaal Soomaali ay kujirto oo lagu qabtay Turkey


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here