Militariga Iiraan oo madaafiic ku garaacay fariisin ay lahaayeen Israaiiliinta

SHARE

Facebook

Twitter

Israel(somalipm.com) Saraakiisha Militariga Israa’iil ayaa sheegay in xoogagga Iiraan ay gantaallo ku soo garaaceen fadhiisimaha ay ku leeyihiin buuraha Golan Heights ee la haysto.

Sarkaal sare oo u hadlay Israaiil Wuxuu sheegay in ciidammada kacaanka ee Iiraan ay soo rideen ku dhawaad 20 gantaal, arrintaasina ay dhacday subaxnimadii hore ee Khamiista qaarkoodna la qabtay balse aysan wax khasaare nafeed ah ka dhalanin.

Horraantii bishan ayay Israa’iil sheegtay in ay aragtay “dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn” oo ay samaynayaan ciidammada Iiraan ee gobolka ku sugan.

Waxaa la sheegayaa in Ciidammadooda ku sugan buuraha Golan Heights ayayna feejignaan dheeri ah galiyeen, shacabkana waxay ugu baaqeen in ay gabaad raadsadaan.

War qoraal ah oo uu soo saaray milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay arrintan u arkaan mid adag ayna sameeyeen diyaargaraw qaabab kala duwan ah.

Jonathan Conricus oo u hadlay ciidammada ayaa sheegay in Israa’iil ay aargoosatay balse faahfaahin kama uusan bixinin.

Wakaaladda wararka ee Suurriya ee Sana ayaa mar dambe sheegtay in habka difaaca lidka diyaarada lagu soo riday gantaallo hawada Suuriya soo galay.

Xaqiijintan u dambaysay ayaana dabo socota gantaallo la sheegay in Israa’iil ay ku garaacday saldhig milatari oo ku yaalla koonfurta magaalada Dimishiq ee caasimadda u ah Suuriya Talaadadii.

Wakaaladda wararka ee Sana ayaana ku warrantay in lagu gantaal lagu qabtay agagaarka Kiswah labo ruux oo shacab ahna ay ku dhinteen qarax.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMahatir Maxamed oo ku guuleystay doorashooyinkii guud ee Malaysia


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here