Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Baydhabo

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan magaalada Baydhabo.

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa iminka soo buux dhaafiyay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, kuwaasi oo sita sawirada Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Madaxda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ku soo waramay in wafdi horu dhac u ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ay iminka ku suganyihiin magaalada Baydhabo, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha gaaraan magaalada Baydhabo.

Ciidamada Nabadgelyada ayaa si ah u xoojiyay amniga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleDowladda oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaaday shacab ku dhaawacmay Qarax miino oo argagixisadu ay la beegsadeen


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here