Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait oo kulan dhiirogelin ah u sameysay arday sanadkan ka baxday Jaamacadaha iyo dugsiyada Sare+sawirro

Kuwait(somalipm.com) Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kuwait ayaa Xaflad ballaaran oo dhirogelin ah  u qabatay Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabisay Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare ee Dalka Kuwait.

Siihayaha Safaaradda Mudane Abiib Muse Faarax oo ay wehliyan Diblomaasiyiinta kale ee Safaaradda ayaa door libaax ka qaatay qabsoomida Xafladan, iyadoo Siihayahu uu qudbad qaayo leh u jeediyay Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed isagoo kula dardaarmay waaridiinta in ay xooga saaran tacliinta caruurta taas oo ballan qaaday in ay Safaaraddu gacan weyn ku siin doonto diiwaangelinta iyo deeqaha Waxbarashada Sare.
waxaana qeyb ka ahaa munaasabadda barnaamijka qeyb ka ahaa majaajilo, ruwaayado iyo bandhig dhaqanka Soomaaliyeed si wadaniyadda loogu dhiirigeliyo caruurta Dibadda ku dhalay. Jawiga ka soo qeybgalku waxa uu ahaa mid farxad iyo reynreyn ay hareysay, Calanka Soomaaliya iyo kan Dalka Kuwait ayaa lagu xardhay gidaarada.

Xiriirka Jaaliyadda iyo Safaaradda ayaa mar walba ahaa mid sareeya iyadoo 7 kursi oo deeq waxbarasho ah oo ay bixiso dowladda Kuwait loo dajiyay habraac caddaalad ah oo ku dhisay tartan tacliin. Ardayda ugu sareysa imtixaanka qalinjabinta Dugsiyada Sare ee Kuwait ee ay qaado Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Kuwait ayay Safaaraddu siisaa. Habraacan oo ah mid Jaaliyaddu mahdisay.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya ee Dalka Kuwait Mudane Maxamud Haji Ahmed Qumeyni oo isaguna Munaasabadda ka hadlay ayaa Safaaradda uga mahadceliyay sida qiimaha leh ee ay u soo agaasintay Xafladda iyo  adeegyada ballaaran ee ay u heyso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kuwait.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here