Wasaaradda Maaliyadda XFS oo maanta la wareegtay Maamulka Lacagaha ay soo aruuriso Wasaaradda Amniga.+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com):–Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ahna Wasiiru Dowlaha Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulahi Sheikh Cali Prof Qaloocoow ayaa maanta la soo wareegay maamulka dakhliga ay soo uruuriso Wasaaradda Amniga,kadib kulan ay la qaateen Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maamuleysa dhamaan Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga sida gaar gaar ka ah  u soo xareeya,tasoo si toos ah ugu dhici doonta Bangiga dhexe ee Dowladda.

Arinkaan waxa uu daba socda Go’aankii ka soo baxay Shirkii ay wada qaateen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Wasaarahada iyo Hey’adaha Dowladda ee Dakhliga uruuriya, go’aankaasoo ahaa in dhamaan wixii Dakhli ah ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleTaliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Midowga Yurub “Sawirro”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here