Wasiirka Waxbarashadda XFS oo ka qeyb galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi “Sawirro”

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada muqdisho ugu qeyb-galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi oo maanta ay ka qalin jabiyeen arday badan oo qeyb ka ah jiilka dalka loo diyaarinayo in ay wax ku soo kordhiyaan mustaqbalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay safiirka dalka turkiga u joogo Soomaaliya xildhibaano ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Safiirka dowlada turkiga u jooga Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeyo Soomaaliya iyo turkiga waxa uuna balan qaday in ay sii wadi doonaan taageerada dhan horumarka ah ee  Soomaaliya ay ka caawiyaan.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay Dowlada iyo shacabka Turkiga ee markasta kaalmada la garab taagan Soomaaliya.

“Waxaan ka qeyb-galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi oo maanta ay ka qalinjabiyeen arday badan oo qeyb ka ah jiilka dalka loo diyaarinayo in ay wax ku soo kordhiyaan mustaqbalka, Waxaan u mahad celinayaa Waqafka Diyanet ee Turkiga oo suura galiyay in ardaydaan maanta ay qalinjabiyaan” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Horumarka waxbarashada dalka ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleShirka Golaha Wasiirrada Oo Looga Hadlay Xoreynta Deegannada Argagaxisadu Ay Dalka Uga Sugantahay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here