10 Samafalayaal ah oo lagu Afduubtay Dalka Koofurta Suudaan

SHARE

Facebook

Twitter

Jubba-(somalipm.com)-Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan laamaha gargaarka lagu Afduubtay Gobolka Yei River ee Dalka Suudaanta Koofureed.

Isku-duwaha Qaramada Midoobay , Alain Noudehou, ayaa sheegay in bahda ka shaqaysa howlaha Bani’aadan-nimada ay naxdin ku tahay Af-duubka loo maleynayo in loo geystay shaqaalaha gargaarka.

Afduubka oo ka dhacay duleedka Yei ayaa laga war helay Abracadii, waxaana la sheegayaa inay geysteen Dableey aan heybtooda la garanayn,waxaana sidaasi hay’adaha halkaasi ka hol-gala u sheegay Dadka degaanka Yei.

Koofurta suudaan oo ay inta badan ka dhacaan shaqaaqooyin Siyaasadeed iyo kuwa salka ku haya aano Qabiil ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo Afduubyo joogto ah oo lagula kaco Dadka Ajaaniibta ah iyo Shaqaalaha kale ee Qaramada midoobay.

Isha/ Daily Nation

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleGobolka Banaadir oo deeq gaarsiiyay barakacayaal ku dhaqan gudaha iyo daafaha Muqdisho+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here