12 Qof oo isku Qoys ah oo lagu dilay Ciraaq

SHARE

Facebook

Twitter

Baqdaad-(somalipm.com)-12 Qof oo isku Qoys ahaa ayaa ku dhimatay tiro kalana waa lagu dhaawacay weerar ay Koox lagu tuhmayo Daacish ka geysatay Waqooyiga Dalka Ciraaq , sida uu Wakaaladda Wararka ee Anadolu u sheegay  sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka oo lagu Magacaabo, Lieutenant Numan al-Jabouri.

Saraakiisha Boliiska ayaa sidoo kale u sheegtay Warbaahinta in Dadkan la laayay ay ku sugnaayeen Guri ku yaalla Magaalada Al-Farhatiah ee Gobolka Saladin , waxana ka mid ah dhibbanayaasha Carruur iyo Haween.

Dabayaaqadii Sanaddii hore ayay Dowladda Ciraaq iyo saaxiibbadeeda kula bahoobay la dagaallanka Argagixisada waxay sheegeen inay ka adkaadeen Daacish, balse waxaa jira falal liddi ku ah ammaanka oo ay mararka qaarkood ka geystaan qaybo ka mid ah Dalka Ciraaq.

Sooyaal12@gmail.com

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here