20 Qof oo ku dhimatay Biyo xireen ku dumay Kenya

SHARE

Facebook

Twitter

Nakuru (somalipm.com):–20 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iyada oo kumanaan kalena ay ku barakaceen  kaddib markii uu Xalay 9-kii Fiidnimo uu dumay Biyo xireen ku yaalla Waqooyi Galbeed ee dalka Kenya.

Maamulka Gobolka Nakuru oo wali ku guda jira samata bixinta Dadka ayaa sheegay in ay ka wal walsanyihiin in dhimashada intaas ka badan karto iyada oo ay wali socota bad baadinta dadka uu ku dumay Biya xireenka.

Saraakiisha Booliska Kenya oo la hadalay Cabital News ee gurmadka u tagay goobta ayaa sheegay in dadka dhintay ee la helay ay ka badanyihiin kuwa la la’yahay.

Degaanka waxaa ku barakacay Qoysas badan,iyadoo hay’adda Bisha cas ee Kenya ay waddaa samata bixinta dadka biyaha ay ku fataheen.

Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay in ay ka dhalatay Dumidda Biya xireenkan roob xoog leh oo ka da’aya gobolka, waxayna walaac ka muujiyeen cabsida laga qabo kororka khasaaraha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Hanti badan ay ku bur bureen Fatahaadda ka dhalatay biya xireenka Dumay iyada oo howlgalka gurmadka deg degga ahna uu wali socdo.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleTaliye ku-xigeenka Booliska gaarka ah ee Galmudug oo gaarey magaalada Hobyo


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here