23 Qof oo ku dhimatay Roobab ka da’ay bartamaha Itoobiya

SHARE

Facebook

Twitter

Addis Ababa-(somalipm.com)- Ugu yaraan 23 Qof ayaa ku geeriyootay 6 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray Dhul go’ ka dhacay  bartamaha Itoobiya markii ay halkaasi ka da’een Roobab Lixaad leh.

Roobabkan wata dabaylaha xooggan oo Saacado badan ka da’ayay Gobolka Oromiya ee bartamaha Dalka Itoobiya,ayaa laga yaabaa inay geystaan khasaara intaa ka badan sida ay sheegtay Idaacadda Codka Ciidamada Itoobiya ee Radio Fana.

Roobabka xooggan ee da’aya gudaha Dalka Itoobiya ayaa qayb ka ah Roobab xilliyeedyo wata Duufaanno oo haatan ka da’aya qaybo ka mid ah Waddamada Bariga Afrika kuwaas oo galaaftay nolosha Boqolaal Qof.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleSoonku waa Cibaado iyo Caafimaad
Next articleWasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS oo maanta Xafiiska la wareegay+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here