25 Ruux oo ku dhintay Folkaani ka Qarxay Guatemala.

Guatemala(somalipm.com)– Labaatan iyo shan qof ayaa ku dhintay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax Folkaano ee ugu xumaa muddo ku siman tobaneeyo sano ka dhacay Wadanka Guatemala.

Qaraxaasi Folcano, ayaa waxa uu ka dhacay meel qiyaas ahaan 40km (25 miles) koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Guatemala , wuxuu cirka isku shareeray Qiix madow.
Qulqulka ka dhashay Folkaanahaasi ayaa ku dhuftay tuulada El Rodeo, halkaasi oo uu dadka ku dilay , iyagoo ku sugnaa gudaha guryahooda, wararku waxay kaloo sheegayaan in garoonka diyaaradaha ee Magaalada Guatemala la xiray.

Madaxweynaha Dalkaasi Jimmy Morales ayaa ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroor diiqad Qaan ah.

Sergio Cabañas, oo ah madaxa Hey’adda Qaran ee Maareynta Musiibooyinka ee dalka (Conred) ayaa u sheegay Idaacadda maxaliga ah in Magaalada El Rodeo ay dhacday Masiibo, tiro Dad ahna ay ku dhinteen, boqolaal kalena ku dhaawacmeen, islmarkaana uu soo gaaray buru-bur Guryo.

Tirada guud ee qiyaastii 1.7 milyan qof ayuu saameeyay qarxinta qaraxa, sida ay sheegeen masuuliyiinta, iyadoo Saraakiisha ay dadka ku talinayaan inay xirtaan maaskaro iyagoo iska ilaalinaya Uurada madoow ee ka socota afar ka mid ah gobollada Dalka Guatemala.

Dhibaatadani waa tan ugu weyneyd tan iyo 1974-kii, sida ay qabaan khubarada deegaanka, waxaana uu wadaa Millitariga dalkaasi howlo gurmad ah, oo la ku saabdan la tacaalidda dhibaatadaasi ku dhufatay Dalkaasi.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here