
Qaahira-(somalipm.com)- Waxaa Sabtidii shalay Xafiiska loo dhaariyay mar kale Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi, oo talada Da;laasi hayay tan iyo Sanaddii 2014-kii.
Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa isagoo taagan Baarlamanka hortiisa ku dhaartay inuu u hoggaansamayo danaha Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka xilli uu Waddanka Masar wajahayo caqabado isugu jira kuwo dhaqaale iyo kuwo amni.
Al-Sisi, oo 63 jir ah ayaa horayna usoo ahaa madaxa sirdoonka Qaranka iyo Wasiirka difaaca Masarm ayaa waxaa u billaabatay Afar Sano oo hor leh oo uu sii hayn dooni xilka Madaxtinimo ee Dalka Masa, ka dib markii uu ku guuleystay codad gaaraya 97% doorashadii dhacday Saddex Bilood ka hor.
Madaxweyne Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa talada Dalka Masar awood Milliteri kula wareegay 3-dii July 2013-kii, isagoo Xabsiga u taxaabay nadaxweynihii xilligaas Maxamed Morsi, oo si sharci ah loo soo doortay.
Isha/ Press TV
Source: somalipm.com
