Africom”Waxaan duqeymo ku dilay 12 ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab”

Africom(somalipm.com) Duqeymo xagga circa ah oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Alshabaab ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay 12 ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab,sida uu sheegay Mareykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga circa ah ay ka fuliyeen deegaano qayaas ahaantii 30 Miles dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho,inkastoo aan la sheegin deegaanada howlgalada laga fuliyay.

Taliska Africom ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 12 ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab,iyagoo xusay in aanay jirin wax shacab ah oo waxyeelo soo gaartay,kadib dabagal ay sameeyeen duqeynta kadib.

Saraakiil katirsan Militariga Mareykan ayaa sheegay in ay gacan taageero ka helayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya,oo heley xogaha ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Maleeshiyaadkaasi Alshabaab.

Mareykanka ayaa sanadkan gudihiisa Soomaaliya ka fuliyay weeraro qorsheysanaa oo gaarayay ilaa 15 weerar,kuwaasi oo lagu qaarijiyay horjoogayaal sar sare iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxaha argagixisada Alshabaab.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here