Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Socdaalka Jabuuti “Sawirro”

Muqdisho (somalipm.com), Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Koofi oo safar shaqo ku gaarey dalka Jabuuti, ayaa maanta la kulmey taliyaha booliiska iyo taliyaha socdaalka dalka Jabuuti.

Kulanka oo ka dhacey Taliska booliiska Dawladda Jabuuti, ayaa laga wadahadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka, isweydaarsiga khibradaha iyo xuduudka dhulka ee u dhaxeeya labada dal.

Agaasimaha oo ay safarka ku wehlinayeen saraakiil ka socota xaafiiska xariirka dibadda ee HSJ ayaa uga mahadceliyey taliska booliiska Jabuuti soo dhoweynta iyo weliba wadashaqeynta hadda jirta.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here