Akhriso: Liiska Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lasoo saaray+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye iyo sidoo kale  Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, isagoona ka codsaday in ay si hufan u gutaan waajibkooda dar dargaliyaana howsha loo igmaday

Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Guddomiyaha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaah Shacabka.

Waxaa kulanka  soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabd Wali Ibraahim Sheekh Muudey, wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay sida ugu dhaqsiyaha badan howshooda u soo gabagabeeyaan mudada kooban ee u harsan.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleShirka caalamiga ah ee Badqabka Suxufiyiinta oo ka furmay Muqdisho+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here