Argagixisada Al-Shabaab oo dhac iyo Qafaal ka gaystay Xaradheere

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho- (somalipm.com)-Wararka ka imaanaya degmada Xaradheere ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay dhaceen ilaa iyo shan Gaari oo xamuul ah iyagoo xiligaasi waday Badeeco ay gayn lahaayeen magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in sidoo kale Maleeshiyadaan ay Qafaasheen dadkii saarnaa Gawaaridaan.

Ilaa iyo hadda lama oga halka ay la aadeen Gawaarigaasi, hantida ay wadeen iyo dadkii saarnaa intaba, sida ay ku waramayaan dadka ku sugan Xaradheere.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa horay ugu amray dadka ku nool magaalada Xaradheere inay keenaan Catuurtooda si loogu adeegsado dagaalada lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed, laakiin markii ay diideen arrintaasi ayaa Maleeshiyadaan waxay labo jibaareen dhaca iyo boobka ay u gaysanayaan shacabka.

Sida lagu yaqaano Dhaqanka Argagixisada markasta iyagoo ku ganbanaya magaca Diinta islmaanka ayay dhac iyo boob u gaystaan dadka Muslimiinta ah, halka sidoo kale banaysta dhiiga dadka islaamka ah.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleSoomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga.”Sawirro”
Next articleKhasaaro xoog leh oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab loogu gaystay Daynuunay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here