Booliska Malaysia oo sheegay in Lacago dheeraad ah laga heley gurigii uu degnaa Najib Razak

SHARE

Facebook

Twitter

Malaysia(somalipm.com) Saraakiisha Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay in guri uu leeyahay Ra’isulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq in ay ka heleen boorsooyin ay ka buuxdo lacag dhan $28 malyan oo doolar,si la mid ah baaritaan kaasi ka horeeyey oo lagu heley macluumaadyo badan iyo hanta lagu eedeeyey Mr Razak in uu lunsaday.

Raiisul Wsaarihii hore ee Dalka Malaysia  Waxaa loo heystaa in uu dhacay hanti dhan $700 milyan doolar, balse horey ayay dowladda u sheegtay in wax lagu waayay, waxayse ahayd markii uu isaga xilka hayay.

Laakiise waxaa arrinkaasi ka soo horjeestay Xisbiga uu ka tirsanyahay ee Umno,kaasi oo sheegay in lacagta la heley ay ahayd mid loo uruuriyay ololihii doorashada, kana soo hartay markii Najiib uu ku guuldaraystay doorashada,iyagoona xusay in Xisbiga uu isku dayi doono in uu booliiska kasoo ceshto lacagta.

Talaabooyinkan ayaa yimid Markii Ra’isulwasaaraha dalkaas loo doortay Mahathir Maxamed,kaasi oo bilaabay in lafuro dacwadad ka dhanka ah mar Razak.

Raiisul wasaarihii laga guuleystay Najiib Razak ayaa siweyn u dhaliilay qaabtay ciidamadu ay ku galeen gurigiisa,isagoo xusay in ay sameeyeen xadgudubyo.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleCiidamada Xasilinta oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hub sharci daro ah iyo dadkii watay


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here