Boqolaal Qof oo ku sumoobay cunista Likaha (Barkin waraabe)

Tehraan-(somalipm.com)-11 Qof ayaa u geeriyootay ku dhowaad 800-na way la Il-daran yihiin, markii ay ku sumoobeen cunista Geedka Likaha ama Barkin Waraabaha Dalka Iiraan.

Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim News Agency, ayaa sheegtay in Laba Qof oo kale qalliin looga sameeyay Beerka, iyadoo laga walwalsan yahay inay dhibaatadu intaa kasii badato.

Mashaqadani ayaa saamaysay Dad ku dhaqan 10 Gobol oo ku yaalla Galbeedka Dalka Iiraan, halaasoo la sheegay in Sanadkani uu aad ugu baxay Likaha.

Dadweynaha ayaa looga digay inaysan iibsan Likaha aan la farsamayn ee laga yaabo inay summaysan yihiin, balse ay gataan kuwa  la hagaajiyay ee yaalla Dukaamada.

Geedka Likaha ama Barkin Waraabaha ayaa si weyn ugu baxay kaymaha Galbeed ee Dalka Iiraan, ka dib Roobab lixaad leh oo halkaasi ka da’ay Sanadkan, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim News Agency.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here