Caruur Falastiniyiin ah oo ku dhaawacmay Gantaal laga tuuray Gaza

SHARE

Facebook

Twitter

Gaza-(somalipm.com)- Mileteriga Israel ayaa sheegay in Sayruukh ay Falastiiniyiinta waaberigii Saaka ka tuureen Gaza uu ku dhacay magaalada lagu magacaabo Bi’ru Sabca.

Bayaan Mileteriga Israel bartooda Twitrerka ay soo dhigeen ayaa lagu sheegay in Israeliyiinta magaaladaasi ku suganaa ay galeen goobo gabaad ah,waxayna intaa raaciyeen in ay daafacayaan dadka rayidka ah ee Israel ka soo jeeda.

Magaalada Bi’ru Sabca oo lagu tiryo magaalo Istaraatiiji u ah Israel kuna taal mandiqada Koonfur ee jiida Gaza ayaa waxa ay magaalada Gaza u jirtaa  41 km,waxaana la sheegay garabka hubeysan ee Falastiin oo lagu magacaabo Kataaib Al-qasaam ay sawaariikh ku garaaceen intii lagu guda jiray dagaalkii u danbeeyay oo ay Israel ku qaaday magaalada Gaza sanadkii 2014 kii.

Warku wuxuu intaa raaciyay in Gantaalkaasi lagu soo tuuray dhanka Gaza uu ku dhacay  Guri ku yaala magaalada Bi’ru Sabca ayna ku dhaawacmeen 6 qof oo ay ka mid yihiin Hooyo iyo Caruurteeda Saddex ah kuwaasoo la sheegay in la dhigay Isbitaal.

Duqa magaalada Bi’ru sabca ayaa sheegay in digiin la gaarsiiyay dadka deggan magaaladaasi oo ah inuu ku soo wajahan yahay Sayruukh ayna ka gaashaantaan.

Dhacdadan ayaa  timid ka gadaal markii wasiirka Difaaca Israel leberman  uu soo saaray digniin ka dhan ah xarakada Xamaas oo uu sheegay inay garaaci doonaan.

Waxaa kaloo leberman digniintiisa uu ku sheegay inuu maanta hordhigi doono Golaha wasiirada Israel Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda  iyo qorshe ka dhan ah daagaal yahanada Xamas  oo ah sidii weerar xoogan ay ugu qaadi lahaayeen kadib markii uu fashilmay dadaal la xiriiray  dhaxdhexaadin laga dhex waday  labadaasi dhinac.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasiirka Caafimaadka XFS oo Khartuum uga qeyb-gashay shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here