Ciidamada Ammaanka Degmada Boondheere oo gacanta ku dhigay Rag falal amni daro geysanayay+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com) Ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ee Degmadda Boondheere oo kaashanaayo Shacabka iyo maamulka Waaxyaha ay ka kooban tahay Boondheere ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mida kuwa caadeystay in habeenkii ay Shacabka ka qaataan waxyaahaba ay sitaan.

Laba dhalinyara ah ayeey Ciidamada Amnigu ka qabteen waaxda Daljirka ee degmada Boondheere iyagoo Bistoolad Caag ah iyo midi wax ku dhacaayey.

Cabdi-Wali C/llahi Maxamuud Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Boondheere ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay labadaan ruux ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen iyagoo fulinaya amarka madaxda ka saraysa.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere Saynab Yuusuf Wehliye ayaa ku ammaantay Ciidamadu dadaalka ay sameeyeen, iyadoo sidoo kale shacabka Boondheere ka codsatay inaysan ka daadlin gacan siinta Ciidamada.

Ciidamaada Qalabka sida ayaa waxay ka wadaan guud ahaan Gobolka Banaadir sidii loo kordhin lahaa sugida abniga inta lagu jiro Bishaan Ramadaan.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleGuddoonka Aqalka Sare oo markale war ka soo saaray dagaalka Tukaraq
Next articleShan ka tirsan Daacish oo lagu dilay Ciraaq


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here