Ciidamada Ammaanka Puntland oo ka hortagay weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Shabaab

SHARE

Facebook

Twitter

Puntland(somalipm.com) Dagaal u dhexeeya Ciidamada ammaanka Puntlanda iyo kooxaha argagixisada Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka bari.

Wararka ka imaanaya deegaanka Balli-Khadar oo ka tirsan Buuralayda Galgala ee Gobolkaasi ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland oo saldhig weyn ku leh deegaankaasi Balli-Khadar ay ka hortageen weerar arbushaad ah oo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo bilowday abaaro xiligii Suxuurta lagu jebiyay maleeshiyaadkii Shababa ee weerarkaasi soo qaaday,lamina sheegin weli qasaaraha halkaasi ka dhashey,iyadoo ciidamada amaanka Puntland ay kujireen taxadir iyo feejignaan ammaanka laxiriira.

Deegaanka Balli-Khadar oo kuyaala saldhigweyn oo ay ka howlgalaan ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa qayaas ahaantii waxkabadan 80 KM u jira magaalo xeebeedka Boosaaso,waa deegaan istraatiijii ah wuxuuna ku dhexyaalaa Buuralayda Galgala ee Gobolka Gari.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleAfricom”Waxaan duqeymo ku dilay 12 ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here