Ciidanka ammaanka oo gacanta ku dhigay Shabakad Ku Howlaneed Daabicista Lacag Faalso Ah+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com):-Ciidamada Amaanka ayaa Khamiistii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegnayd 18/10/2018 garoonka Muqdisho ku qabtay shakhsi doonayay in halkaasi kala dhoofo lacag been abuur ah oo isugu jirta dollar iyo Euro.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo sir doonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in Lix saac kadib Markii laqabtay lacagtaasi ay ciidamada Amnigu ku guuleysteen in magaalada daafaheeda ay ka soo qabtaan shabakadii howshaasi ku howlaneed oo dhamaystiran.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlaha sugidda Amniga dalka, iyagoo ka hortagay falal isugu jiray Argagixisanimo, burcad dadweynaha isbaareysanayay iyo shabakado isku xiran oo ka shaqeynayay daabicista lacag been abuur ah.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo baaq u dirtay Madaxda Maamul Goboleedyada


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here