Ciidanka Badda Liibiya oo badbaadiyay Boqolaal tahriibayaal Afrikaan ah

Tripoli-(somalipm.com)- Ciidanka Badda Liibiya ayaa Laba howl-gal oo ay ka sameeyeen Xeebaha Dalkaasi waxay kusoo badbaadiyeen 263 Qof oo tahriibayaal Afrikaan ah iyo Meydadka 11 kale.

General; Ayoub Kacem, oo u hadlay Ciidanka Badda Liibiya ayaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay in howl-galka Koobaad uu ka dhacay Axaddii meel Shan Mayl (nautical miles) oo cabbirka Badaha ah Waqooyi bari kaga beegan degaan Xeebeedka Sabratha,halkaasoo ay kasoo badbaadiyeen 83 Qof iyagoo sidoo kale ka helay 11 Maydad ah.

Sabratha, ayaa 70 KM oo u dhiganta 40 Mile dhanka Galbeed ka xigta Caasimadda Liibiya ee Tripoli.

Howl-galka Labaad ayaa ka dhacay Xeebta Zliten, oo ku taalla Bariga Liibiya, waxanay Ciidanku qabteen Laba Doonyood oo ay saarnaayeen 180 Qof, sida uu sheegay Generaal Kacem.

Zliten, ayaa iyana Magaalada Tripoli dhanka Bari kaga beegan masaafo gaaraysa 170 KM oo u dhiganta 100 Mile.

Tahriibayaashan oo dhamaantood Afrikaan ahaa ayaa ku safrayay Doomo aan laysku hallayn karin, kuwaasoo wixii ka badbaaday dib loogu celiyay Magaalada Tripoli.

Sanaddii aynu soo dhaafnay oo keliya waxaa Badda dhexe (Mediterranean Sea) ku geeriyootay 3,116, oo Qof, kuwaasoo 2,833 ka mid ihi ay dhalashadoodu ahayd Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here