Ciidanka Booliska oo sameeyey howlgal lagu soo qabtay kooxo Burcad ah+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Howlgal ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Isgoyska Buur Cali Janaale oo kala qeybiya degmooyinka Kaxda iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay 2-ruux iyadoo lagu soo qabtay 8-ruux oo kale oo ahaa Burcad dadka wadadaasi isticmaala dhac u geysan jiray, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kana mid ahaa Saraakiisha howlgalkaasi hogaaminayay ayaa warbaahinta u sheegau in ragaan la dilay qaarkoodna gacanta lagu dhigay ay ahaayeen Burcad wadada u gali jirtay dadka, islamarkaana dhac u geysan jiray.

Goobta howlkani laga fuliyay waxaa soo kormeeray Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) isagoo u mahadceliyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay ee ka hortagay dhibaatada shacabka lagu haayay,,

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin cid kaste oo caqabad ku ah amniga Caasimadda.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaxkamadda Ciidamada oo xukuno kala duwan ku riday Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab
Next articleGolaha Shacabka JFS oo loo qaybiyey Hindise Sharciyeedyada dhismaha Hay’adda Naafada & wax ka badalka sharciga Hanti Dhowrka


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here