
Muqdisho-(somalipm.com)-Ugu yaraan 15 ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaalka Saakay ka dhacay degaanka Guullane oo hoos taga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Macawisleyda, Axmed Dhegeey Xuurshoow.
Intii uu socaday dagaalka ayaa waxaa gurmad u fidiyay Dadka is-xilqaamay Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo ka war hayay gobaha ay ku dhumaaleysanayeen Maleshiyada Al-shabaab.
Dagaalka oo u dhexeyaa Shacabka degaanka Guullane iyo Al-shabaab ayaa Imaanaya markii ay u dul-qadan waayeen Dadka halkaasi ku dhaqan gawraca iyo ka been sheegidda Diinta ee ay ku qaraabtaan Maleeshiyada Al-Shabaab.
Dadka ku dhaqan Duullane iyo degaannada ku xeeran oo la baxay Magaca Macawisleey ayaa go’aansaday inay iska dul-qaadaan cadawga caadeystay inay dhac iyo boob kula kacaan Shacabka, waxaana iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga kaga guuleysteen goobo badan kooxda Al-Shabaab.
Source: somalipm.com
