Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaanno ka tirsan Sh/dhexe kala wareegay Maleeshiyada Al-shabaab

Muqdisho (somalipm.com) Ciidanka Xooga Dalka ayaa Howlagalo lagula dagaalamayo Kooxda Al Shabaab ka sameeyay Deegaanno hoostaga Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay hore ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Al Shabaab.

Korneel Cali Calasow Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Qeybta ka howlgasha Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanku ay lawareegeen Deegaanno Al-Shabaab ay joogeen oo ay ka carareen markey maqleen in Ciidanka Xoogga kusoo fool leeyahay, isagoona sheegay in degaanada ay la wareegeen ay kala yihiin Qoordheere, War ciise, Qab duco, Wararaxleey iyo Qorax Madoobe.

“Ciidanka xoogga dalka waxay kasoo dhaqaaqeen Raaga Ceelle, Maleeshiyada Al shabaab waxay ka war heleen inaan dhankooda ku socono way carareen waxaana kala wareegnay deegaanada Qoordheere, War ciise, Qab duco, Wararaxleey iyo Qorax Madoobe, dadka rayidka ayay ku dhibaateyn jireen xili kasta”. ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalada ay socdaan oo deegaano hor leh ay ku fool leeyihiin ciidanka xoogga dalka, iyagoo saacadaha soo socda Al shabaab ka saari doona deegaano cusub, wuxuuna balanqaaday in Ciidamada aysan kasoo laaban doonin deegaanada ay gacanta ku dhigeen, isagoo sheegay in Saldhigyo waa weyn ay ka sameyn doonaan deegaanadaasi si Maleeshiyada Al shabaab looga difaaco shacabka ay doonayaan inay dhibaateeyaan.

Ciidanka Qalabka sida ee Soomaliya ayaa meelo badan oo kamida Gobolada Dalka kawada howlgalo Saf balaaran ah kuwaas oo looga gol-leeyahay sidii Maleeshiyaadka loo cirib tirilahaa.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here