Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku soo furtay dad afduub ay u heysteen argagixisada Al-Shabaab

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);- Hawlgal qorshaysan oo ay ciidanka Xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoos-taga degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Shabeellaha hoose iyo dhexe ayay kula wareegeen deegaanada Basra iyo Baqdaadi.

Hawlgalkaas ayaa lagu soo furtay dad shacab ah oo u xirnaa Maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo hadda dib ula midoobaya ehelkooda.

Ciidanka ayaa deegaanadaas ka wada hawlgallo nabadgalyada lagu xoojinayo, islamarkaana miinooyinka looga saarayo jidadka ay maleeshiyadu gooysay, sida uu somalipm.com u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan xoogga dalka.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgalka, waxaana looga furtay saanad ciidan.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleTaliyaha Ciidanka Booliska oo Safar shaqo ugu ambabaxay magaaladda Khartoum ee dalka Sudan
Next articleAntonio Guterres oo soo dhoweeyay Heshiiskii Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here