Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buurhakaba

SHARE

Facebook

Twitter

Buurhakaba (somalipm.com) Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal Maleeshiyaadka Al-shabaab ay kula galeen duuleedka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Buurhakaba balse ay ka hortageen ciidamada amaanka oo sida uu sheegay ka dilay Al-shabaab 6-kamid ah maleeshiyaadka Argagixisada.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Maxamed Ibraahim Nuur guddoomiyaha degmada Buurhakaba iney gacanta ku dhigeen hub ay ka furteen maleeshiyaadkii ay dileen ee soo weeraray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Hadaba Hoos ka dhageyso wareysiga Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Maxamed Ibraahim Nuur.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleIiraan oo dalalka gacanka carbeed ku eedeeysay weerar ka dhacay Ahvaz
Next articleGuddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay qorshihiisa ugu horeeya


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here