Dagaal u dhaxeeya dad shacab ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

SHARE

Facebook

Twitter

Hiiraan (somalipm.com) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka ayaa ku soo waramaya in Dagaal u dhaxeeya dad shacab ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ka dhacay Gobolka Hiiraan ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab ay isku dayeen in ay boobaan xoolo ay lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada miyigaa hasayeeshee shacabka ayaa ka dhiidhiyay falalka guracan ee maleyshiyadu ku hayaan bulshada.

Mid ka mida dadka deegaanka ee dagaalka la galay maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaal xoogan oo ay la galeen nabad diidka Al-shabaab ay kaga dileen horjoogayaal ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous article107 qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here