Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb-galay casho sharaf loo sameeyey ciyaartooy Soomaali ah+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Istanbul (somalipm.com) Waxaa magaalada Istanbuul lagu qabtay xalay munaasabad casho sharafeed ah oo   lagu so dhaweynayay isla markaana lagu abaal marinayay Aadan Axmed iyo Ramlo Cali oo ahaa ciyaartoydii Soomaaliya uga qeyb galay tartanka feerka Aduunka oo ka dhacay magalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullahi Maxamed caydiid, Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed, Qeybaha kala duwan ee bulshada, sida haweenka, ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Richar Moore oo ahaa Macalinka ciyaartoydii Soomaalida ee Tartanka Feerka ayaa u mahad-celiyay Danjiraha iyo Jaaliyadda oo munaasabadan  casho shaarfta ah soo abaabulay.

Danjiraha Safaaradda Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa Jaaliyadda ku amaanay waxqabadka muuqda ee ay la timid tan iyo markii dhidibada loo aasay, isagoona dhinaca kale aad u amaanay ciyaartoyda Feerka doorkii ay ka cayaareen Tartankii feerka aduunka ee ka qabsoomay Magalada Istanbul, waxaana uu guddoonsiiyay bilad sharafta Aadan Axmed iyo Ramlo Cali ay ku sharfeen jaaliyadda SoomaalIyeed ee dalka Turkiga.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMareykanka oo canshuur dheeraad ah saaraya badeecadaha dalka China
Next articleCiidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Horjooge katirsan Al-shabaab


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here