Diyaaradaha dagaalka Isra’il oo duqeeyay Koonfurta Qasa

SHARE

Facebook

Twitter

Diyaaradaha dagaalka ee Isra’il ayaa duqeeyay 2-goobood oo ku yaalla marinka Qasa,isla markaana ay ka howlgalaan ciidamada Xamaas.

Goobaha ay bartilmaameedsadeen ciidamada Isra’il,waxaa ka mid ah fadhiyo ay leeyihiin garabka hubeysan ee guutada Ezzedine  al-Qassam oo ah kuwo la midoobay dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas,oo tan iyo sanadkii 2007-dii maamulaayey koonfurta  marinka Qasa.

Waxaa kaloo ka mid ah goobaha la duqeeyay galbeedka Khan Younis oo isna dhaca koonfurta marinka Qasa,halkaasi oo ay maamulaan ciidamada Xamaas.

Illaa hadda ma cadda baaxadda qasaaraha ee ay geysteen duqeymanka xagga cirka ah ee ay fuliyeen ciidamada Isra’il ,mana jiraan wax war ah ama faallo ah oo ka soo baxay maamulka Yuhuudda.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleTahriibayaal Afrikaan oo Soomaali ay ku jirto oo lagu rasaaseeyey Dalka Liibiya


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here