Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay magaalada Garoowe

SHARE

Facebook

Twitter

Garoowe (somalipm.com) Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa maanta ka bilaabatay uu ka qabsoomo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinka qaranka.

Kursiga ayaa waxaa dhowaan iska casiley Dhahar Cali Faarax, waxaana doorashada maanta ku tartama labo musharax oo kala ah Maxamuud Cabdullaahi iyo wasiirka qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil  (Xaliimo Yare) ayaa waxa ay sheegtay in doorashada maanta ay ku bilaabatay qaab daah furnaan iyo cadaalad ah.

“Waxaan Halkaan u nimid inaan buuxino kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaa labada musharax ee kala ah mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Mudane Maxamuud Cabdullaahi, idinkuna halkaan waxaad u fadhisaan inaad marqaati ka noqotaan sida ay u dhaceyso Doorashada”ayey tiri Xaliimo Yarey oo daah furtay Doorashada.

Hoolka Doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan 51-ergo oo dooraneysa xildhibaanka, iyadoo sidoo kale ay goob joog yihiin marti sharaf kale.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku howlan buuxinta kuraasta ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articlePaul  Biya oo doonaya in mar todobaad uu qabto xilka madaxweyne ee  Cameroon


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here