Dowladda Mareykanka oo sheecisay in uu hoos u dhacayo kobaca dhaqaalaha dalkaasi

Washington(somalipm.com) Warbixino soo baxaya yaa sheegaya in hoos u dhac laga dareemayo kobaca dhaqaalaha ee wadanka Mareykanaka,Kobaca dhaqaalaha Mareykanka seddexdi bilood ee la soo dhaafay waxaana lagu tilmaamayaa in uu yahay sida tan 2.2% taasoo ka hooseyso qayaasti lagu waday inuu gaadho oo ahayad 2.3%.

Dowladda Mareykanka Waaxdeeda u qaabilsan  dhaqaalaha dalkaasi ayaa soo saartay warbixin dib loo habeeyey oo ku saabsan qayaasta kobaca dhaqaalaha dalkaasi,kaasi oo muujinaya in uu jiro hoos u dhac,iyadoo la sheegay in ay hoo su dheceen alaabada la dhoofiyo,Maalgashiga iyo lacagaha lagu bixinayo adeegyada kaladuwan e bulshada.

Rubaca koobaad ee sanad walba ayaa lagu sheegay inuu hooseyn karo balse dhaqaalyahannadu waxay sheegeen iney rubacyada kale ee sanadka ka harsan iyo bilaha soo socdaba kobaca dhaaalaha uu isa soo tari karo.

Marka la barbar dhigo rubaca koobaad ee sanadka 2017, cabbirka alaabada iyo aadeegyada gudaha Mareykanka waxay dejiyeen sicir bararki kobacoodana wuxuu ahaa 2.8%, taasoo ka dhigeyso kobci ugu badnaa tani iyo 2015-ka.

Sidoo akle hay’addaha dhaqaalaha Mareykanka yaa Warbixintu waxaa kale oo ay ku sheegeen sicir bararka dhinaca dhaqaalaha ka muuqda rubaca koobaad ee sanadkan inuu yahay 2%.

Isticmaalka kharashaadka ee macamiisha waxay korodhay 1% oo keli ah, iyada oo saadaasha lagu waday iney gaarto 1.1%, taasoo ka dhigeyso kobacii ugu hooseeyey ee Mareykanka rubaca koobaad uu gaaro.

Kharashaadka lagu bixiyo dhismaha guriyaha iyo waxyaabaha kale ee udub dhexaadka u ahaa kobaca dhaqaalaha dalka waxay hoos u dhaceen 2%.

Hase yeeshee, waxaa kordhay dhaqaalaha dhinaca maalgashiga oo weliba ka sarreeyo halki lagu lagu waday inuu gaaro. Waxyaabaha hoos u dhaca dhaqaale kaalinta ku leh waxaa ka mid ah canshuurta dalka ee ahayd 35% oo laga dhigay 21%.

Dalka Mareykanka ayaa wajahaya aqabado badan oo qeyb ka ah xiriirka ganacsi iyo kan diplomaasiyadeed oo kala dhexeeya qaar kamid ah dowladaha ugu waaweyn aduunka kuwaasi oo xiriirkood uu sii xumaanayo,waxaana kamid ah Shiinaha oo dagaal dhanka dhaqaalaha kula jira Mareykanka.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here