Dowladda Qadar oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Wanla-weyn

SHARE

Facebook

Twitter

Doxa-(somalipm.com)-Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Qadar ayaa si weyn loogu cambaareeyay qarax xooggan oo Shalay ka dhacay Suuq lagu iibiyo Khaadka oo ku yaalla Magaalada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellada hoose.

Qaraxan oo galaafan nolosha Dad ka badan 15 Qof oo shacab ah, iyadoo tiro tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay maamulka Degmada Wanla-weyn.

Warka kasoo baxay xukuumadda Doxa ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay weerar lagu dilay Laba Askari oo ka tirsanayd Boliiska Dalka Afganistaan, kuwaasoo xilligaa ku sugnaa goob lagu baaro Dadka iyo Gaadiidka oo ku taalla Magaalada Kapul.

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaskii ay ka baxeen Dadkii ku dhintay weerarradii ay kooxaha argagixisadu ka geysteen Soomaaliya iyo Afgaanistaan, iyadoo caafimaad ded-deg ah u rajeysay Dadkii ku dhaawacmay weerarradaasi.

Isha/ Gulf Times

SHARE

Facebook

Twitter

Previous article20 Qof oo ku dhimatay Biyo xireen ku dumay Kenya
Next articleWARBIXIN:-30 ilmiriqsi oo kasta geedaa laga jaraa Soomaaliya oo dhuxul looga dhigo


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here