Duqa Muqdisho oo Magaalada Baydhabo uga qeyb galaya Shirka Amniga Qaranka

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho 03 June 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ka dhici doono shirka Amniga Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka shirkani inuu yahay mid daba socda shirarkii kal hore lagu qabtay magaallada Muqdisho. Isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey qodobo waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed in ay ka soo bixi doonaan.

Shirkan oo socon doonna labo maalin ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Qaranka, Madaxweyneyaasha Maamullada Gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleRa”iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo.+Sawirro
Next articleMadaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminiyo oo gaaray Magaalada Baydhabo.+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here