Golaha Shacabka JFS oo loo qaybiyey Hindise Sharciyeedyada dhismaha Hay’adda Naafada & wax ka badalka sharciga Hanti Dhowrka

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com):- Xildhinaada Golaha shacabka JFS ayaa maanta loo qaybiyey hindise sharciyeedyada dhismaha hay’adda Naafada iyo wax ka badalka sharciga hanti dhowrka guud ee dalka.

Ajendaha Kalfadhiga Afaraad  kulankiisa 1-aad ee golaha shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray Hindise sharciyeedka dembiyada jinsiga, hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii, hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka iyo sidoo kale Warbixinta Xisaab xirka Dowladda ee sanadka 2017.

Hadal jeedinta guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo ka mid aheyd AJendayaasha golaha ayaa waxa uu guddoomiyaha kaga hadlay dhowr qodob oo ku aadan shuruucyada horyaala Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa dalka xiligaan muhiim u ah,isagoo Soo hadal qaaday dhameystirka dastuurka dalka iyo wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Guddoomiye Mursal oo ka hadlay dhameystirka Dastuurka dalka ayaa waxa uu sheegay in Golaha Shacabka aanu u dulqaadan doonin inuu waqti kale qaato Dastuurka waxuuna Xukuumada iyo Gudiyada arintaas ay quseysana sheegay in looga baahanayahay in ay sii dardar geliyaan.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare ay ka dhaxeyso wada shaqeyn dhow, islamarkaana ay sii xoojin doonaan si loogu guuleysto howlaha dalka muhiimka u ah ee sugaya Baarlamaanka Soomaaliyeed.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleCiidanka Booliska oo sameeyey howlgal lagu soo qabtay kooxo Burcad ah+Sawirro
Next articleWasaaradda Amniga Soomaaliya oo xoojinaysa kaalinta Bulshada ee ka qayb-qaadashada Nabad-galyada


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here