Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo iska dhex doortay Guddoon

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Gudigga doorashadda Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa  iska dhex doortay Guddoomiye ka dib doorasho ka dhacday  Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka JFS C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo ku dhawaaqay Natiijada ayaa sheegay in Xildhibaan Nuur Iidow Bayle  uu yahay Guddoomiyaha Guddiga, Sahra C/qaadir Maxamed iyana ay tahay guddoomiye kuxigeenka, iyadoo Xildhibaan Xasan Amar dambe uu noqday Xoghayaha guddiga qaban qaabada Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa hoggaamin doona Guddiga tan iyo inta laga gaaraayo doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleSyria: Baarayaasha hubka Kiimikada ah ee QM oo gaarey Douma


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here