Guddiga Garsoorka iyo Cadaaladda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka “Sawirro”

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com)- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Guddoomiyaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii Guddiga iyo Wasaaradda ay wada shaqeyn joogta ah u yeelan lahaayeen, taasi oo ah is xog wareysi ku saabsan tayeynta Cadaaladda iyo garsoorka Dalka.

Guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay howsha Wasaaradda iyo qorshayaasha hadda horyaala kuwa dhow iyo kuwa fog.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddiga uga mahadceliyay wada shaqeynta wasaaradda kala dhaxeysa, sidoo kalena Guddiga ayaa wasaaradda u ballan qaaday in wada shaqeyntooda ay joogto noqon doonto, si kor loogu qaado tayeynta Cadaaladda garsoorka Dalka.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleWasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay Daraasad lagu soo bandhigay Kalsoonida Shacabka ay ku qabaan Waxqadka dawladda
Next articleGolaha Aqalka sare BFS oo saaray War saxaafadeed ku aadan xaaladda Galmudug


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here