Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare oo maanta ka dooday dar dar gelinta howlaha horyaala Golaha+Sawirro

Muqdisho(somalipm.com);- Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullankooda caadiga ahaa waxay kaga hadleen arrimo muhiim ah oo quseeya habsami u socodka howlaha Golaha.

Waxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ka doodeen dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ugu horeyso ansixinta hadal qoraalkii kalafadhigii 8-aad ee looga hadlay arrimaha horyaala Golaha Aqalka sare iyo diyaarinta qorshaha Golaha ee fadhiyadiisa soo socda.

Senator Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan,Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka sare oo kullanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay kullanka maanta.

“ Warbixin ka dib,waxaa laga dooday dhowr Qodob oo muhiim ah oo ay ugu horeyso in la ansixiyo hadal qoraalkii kalafadhiga 8-aad ee looga hadlay arrimaha horyaala Golaha qeyb ka mid ah qodobkaasi ayaa dib looga dooday minidkiisana la ansixiyay,ka bacdi waxaa loo galay qodobo kale oo ay ka mid yihiin diyaarinta Agendayaasha Golaha Aqalka sare ee fadhiyadiisa soo socda,waxaad la socotiin in agendayaal badan Golaha horyaalaan mar walibana Guddiga joogtada isaga uu mas’uul ka yahay kala mudnaansiinta iyo hor tebinta qorshaha,”

Sidoo kale,Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka sare Senator Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan ayaa sheegay in todobadkaan gudihiisa Wasiirka Garsoorka uu hortagi doono Golaha Aqalka sare si ay warbixin ku saabsan arrimaha masuq maasuqa kaga dhageystaan ka dibna ay u guda galaan ansixinta hindise sharciyeedka masuq maasuqa oo Golahu horyaalo.

“ Waxaad ogtihiin iney jiraan hindise sharciyeedyo wali na horyaalo sida Hindise sharciyeedka Biyaha oo kale oo Golaha Shacabka inoo soo gudbiyeen,waxaana beri danbe noo imaan doona Wasiirka Garsoorka si Golaha Aqalka sare uga horjeediyo warbixinta masuq maasuqa ,runtii arrimahaasi iyo arrimo kale ayaa laga hadlay oo ay ka mid yihiin kullamada uu guddiga yeelan doono,” ayuu yiri Senator Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan.

Ugu danbeyntii,Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa ka dooday ka tashiga xiriirka Aqalka sare iyo Maamul Goboleedyada,maadama aqalka sare uu metalo mas’uulna uu ka yahay Maamul Goboleedyada dalka.

Waxayna isla garteen in la adkeeyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Aqalka sare iyo Maamul Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaaka Soomaaliya.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here