Guddiga Joogtada ah ee G/Shacabka oo maanta ka hadlay qorsheyaasha Golaha horyaaha kalafadhiga 4-aad+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho(somalipm.com);- Kulanka Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay kusimahaa Gudoomiyaha Golaha shacabka ahna Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka JFS ayaa waxaa looga hadlayay qorsheyaasha Golaha horyaala kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka oo dhowaan furmi doona.

Xubnaha Gudiga joogtada ah ayaa kulanka inta uu socday waxa ay soo bandhigeen ajendayaasha horyaala golaha kalfadhigan soo socda gaar ahaan kuwa hor tabinta leh.

Ugu dambeyn Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa go’aamiyay ama mudeeyay jadwalka Golaha lagu horkeenaayo shuruucda maraya heerarka kala duwan ee Akhrinta.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka geba gebadiisa waxyaabihii kasoo baxay, isagoo sheegay in xubnaha Gudiga ay ka doodeen sidii kalfadhiga afaraad marka uu furmo loo dar dar gelin howlaha golaha.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Gudiyada Golaha looga baahan yahay in ay soo dedejiyaan sharciyada horyaala ee loo soo gudbiyay, iyagoo kaashanaya qubarada kala shaqeysa xagga sharciyada.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaxkamadda ICJ oo dhageysaneysa dacwadda cunaqabateynta Mareykanka ee Iran
Next articleWafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad sugida Suudaan oo soo gaaray Muqdisho


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here