Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo Maanta kulmay

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho-(somalipm.com)-Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda Muqdisho.

Kulanka oo uu shir Gudoominayay Af-hayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh, C/raxmaan ,ayaa looga hadlay Ajendayaasha Golaha horyaalla inta ka dhiman kal-fadhiga Afaraad ee Golaha iyo sidoo kale oddoroska Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2019-ka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay qodobbadii kulanka gaba gabadiisa kasoo baxay.

Wuxuuna sheegay in Guddiga joogtada ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya fadhigiisa Maanta uu ku saabsanaa dib u eegista Ajendaha inta ka hadhay Kal-fadhiga Afaraad iyo oddoroska Miisaniyadda Baarlamaanka Sanadka soo socda.

“Miisaaniyadda Bandhigiddeeda iyo dalabkii aan u baahnayn ayaa Guddiga joogtada ah la dhex dhigay si ay ula socdaan go’aanna ugu gaaraan dalabka uu Baarlamanku leeyahay, ayuu yiri Xoghaye Buux.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleAqoon is-weydaarsi la xiriira horumarinta xirfadaha Gabdhaha ka shaqeeya Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here