Guddoomiyaha Degmada Beledweyne“Afar kun qof ayaa ka Barakacday Beledweyne”

SHARE

Facebook

Twitter

Beledweyne (somalipm.com) Guddoomiyaha degmada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Mudane Maxamed Cismaan Cabdi (Macalin Qalaafow) ayaa sheegay in dad badan ay ka barakaceen magaalada Beladweye oo ay sabab u tahay roobab xoog leh oo ka da’ay magaalada iyo biyaha Webiga oo isbiirsaday, taasi oo keentay inay ka dhashaan biyo baxo xoog leh oo uu webigu fatahaad sameeyo.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ay ka jirto magaalada Beladweyne, isla markaana dad lagu qiyaasayo in ka badan afar kun ay iminka u qaxeen tuulooyinka ku hareereysan magaalada, isagoo xusay in weli aysan magaalada ka soconin lacagta shilin Soomaliga ah oo dadku ay wax ku iibsadaan lacagta doolarka ah.

“Dad aan ku qiyaasay Afar kun iyo wax la jiro ayaa ka barakacay Magaalada sedexdii Maalin ee lasoo dhaafay, Duruufo badan ayaa dadka hore iskaaga heystay, Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako ayay dadka ugu badan ka barakaceen, waxayna dadka u barakaceen Tuulooyinka u dhow Beledweyne”.

Mudane Maxamed Cismaan Cabdi (Macalin Qalaafow) ayaa xusay kulan ay la qaateen hay’adaha samafalka ay isku afgarteen in la magacaabo guddi ka kooban 18 qof oo isugu jira Maamulka iyo hay’adaha samafalka si kaalmo loo gaarsiiiyo dadka ka barakacay magaalada.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMadaxweyne Waare oo QM kala hadlay in la caawiyo Dadka ka barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle-(Sawirro)


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here