Guddoomiyaha Gobolka Bokool oo tababar u soo xiray Golaha Deegaanka+sawirro

Xudur(somalipm.com) Tababarkaan oo mudo 10 malmood ah socday uuna soo xiray guddoomiyaha Gobolka Bokool Maxamed Cabdi Maxamed (Told) ayaa loo qabtay, qeybaha bulshada ee magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokool,oo ay ku jiraan Golaha deegaanka degmadaasi, iyadoo oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Bokool ayaa kula dardaarmay dadkii loo qabtay tababarkaasi in ay ugu adeegaan bulshada waxyaabihii ay barteen,islamarkaana ay yihiin mas’uuliyiintii matalaysay shacabka.

C/risaaq Isaaq Maxamed (Dadka) oo ah Guddoomiyaha horumarinta iyo dib u dhiska magaaladaasi Xudur ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in tababarka lagu barayo Golaha Deegaanka,hannaanka, Maamulka,Siyaasadda, Sharciga iyo fulinta.

“Marka hore waan salaamaa warbaahinta Qaranka marka xigta,hadii aan ka hadlayo siminaarkan oo muddo 10 maalmood ah noo socday,waxyaabo badan ayaa lagu baranayay waxaana kamid ah dhanka maamulka iyo sharciga,sida go’aanada loo gaari karo,sida wax loo hoggaamin karo, iyo waxyaabo kale,waxaana joogay maamulka Gobolka Bokool iyo kuwaGalbeed”.ayuu yiri Guddoome C/risaaq.

Tababarkaan ayaa sidoo kale lagu baranayay mudadii uu socday ka qeybgalayaasha sida loo wajihi karo caqabadaha bulshada dhexdeeda ah,sida shaqo la’aanta iyo go’aan qaadashada.

Waa tababarkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Golaha Deeganka magaalada Xudur tan iyo markii dhawaan la soo dhisay,waxaana ka qeyb qaadanaya midka haatan, oo ay ka mid yihiin, Culumada, bulshada rayidka ah, dhallinyarada iyo Maamulka Magaalada.


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here