Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Dugsiga tababarka Boliiska ee Gen; Kaahiye+ Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho-(somalipm.com)-Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta gaaray xarunta Jeneraal Kaahiye si uu u dhiira geliyo Ciidamo tababar ugu socdo xaruntaasi.

Guddoomiyaha oo la qadeeyay Ciidanka uu tababarka u socdo ayaa la filaya in uu khudbad u jeediyo, kana xog wareysto xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tababarka u socda.

Waxaa Guddoomiye Mursal ku wehliyay booqashada dhiirri gelinta ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane, Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa xarunta Jeneraal Kaahiye ku soo dhoweeyay guddoomiye Mursal xarunta Gen, Kaahiye, kusimaha taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna taliye kuxigenka Ciidanka S/guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Saraakiil kale.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleXaflad Dhaarin ah oo Maanta ka dhacday Xaruunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir+Sawirro
Next articleSaraakiil ka tirsan XDS oo Maanta tababar loogu qaaday Turkiga+Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here