Guddoomiyaha gollaha shacabka JFS oo booqday dhaawacyadii qaraxii Baydhabo

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa booqday Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii argagixisninmo ee 13-kii Bishan ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay booqashadiisu ku wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka ayaa waxa ay booqdeen qeybaha Isbitaalka ee dhaawacyada lagu daweynaayo.

Waxa au  sidoo kale kulan ay la qaateen maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka oo ay guddoomiyaha faah faahin ka siiyeen tirada bukaanada Isitaalka Jiifa sida ay u kala daranyihiin iyo hadda xaaladooda sida ay tahay.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kormeerka kadib gudaha Isbitaalka Warbaahinta Qaranka kula hadlay ayaa u mahad celiyay maamulka,dhaqaatiirta iyo sidoo kale howl wadeenada Isbitaalka sida ay ula tacaalayaan dhammaan bukaanada Isbitaalka ku jira .

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee argagixisadu ay ka geysteen Magaalada baydhabo ee hadda isbitaalka lagu daweynayo kuwooda xaaladooda gudaha dalka aan waxba looga qaban Karin in Dowladda Soomaaliya caafimaada dibada ah ay u  qaadi doonto.

Bukaanada ku jira Isbitaalka Digfeer ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii dhawaan kooxaha naf la caarigu ay ka geysteen Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleCarwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada oo Muqdisho laga furay “Sawirro”
Next articleXaflad loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacadaha Pakistan “Sawirro”


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here