Guddoomiye Maxamed Mursal “waxaan fulin doonaa Barnaamijkeyga ka koobnaa 10-ka qodob”

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii Codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.

“Waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka inta codkooda i siisay iyo inta aan isiin waxaan sidoo kale u mahad celinayaa intii u tartameysay xilkan, Maalintii khamiista ee taariikhda ay ku beegneyd 26/04/2017 waxaan hortiina ka aqriyay Barnaamij Siyaasadeedkeyga oo ka koobnaa 10-qodob waxaan idin xasuusinayaa inaan fulin doono Barnaaamij siyaasadeedkeyga iyo wixii kale ee Baarlamaanka u baahdo”.ayuu yiri Mudane Maxamed Mursal

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balanqaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.

“Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si danta dalka iyo dadka ay ku jirto”.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo wareega sedexaad kula tartamay Mudane Maxamed Mursal ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub, isagoo balanqaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaxamed Mursal Sheekh C/raxman oo loo Doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here