Guddoonka Golaha Shacabka iyo R/wasaare Kheyre oo booqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo gaarigiisa qarax loogu xiray+Sawirro

SHARE

Facebook

Twitter

Muqdisho (somalipm.com) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo xalay ku dhaawacmay qarax loogu xeray gaarigiisa.

Booqashada waxa ku wehlinaayay xubno ka tirsan labada golle ee dowladda.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiir Isbitaalka oo ku saabsan dhaawaca Xildhibaaka.

Dhamaan masuuliyiintii booqday xildhibaan Booroow ayaa Alle ugu baryay inuu caafimaad taam ah siiyo.

SHARE

Facebook

Twitter

Previous articleMaamulka G/Banaadir oo bilaabay Ololaha ka hortaga dokumentiyada Been Abuurka ah
Next articleMadax ka qeybgashay sanad guuradii 5-aad Shirkadda Favouri ee Garoonka Aaden Cadde +Sawirro


Source: somalipm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here